Buuq ka dhextaagan Xisbiga Shaqaalaha kadib markii sadex Soomaali ah ay si lama filaan ah u soo galeen golaha deegaanka Oslo. Warar ka soo baxaya madaxda xisbiga shaqaalaha oo ay qoreen jaraaidyada Norway ayaa waxuu ku tusayaa inaan la jeclaysan in sadex Somali ah soo galaan golaha deegaanka halka Norwejigii kale ee lala rabay golaha deegaanka ay meesha ka baxeen.
Halkaan ka Akhriso Nrk oo Af Norweji ah.
Bashi iyo Fadumo ma waxay Norwejiga ku yiraahdaan: “waxaan ka imid Somaliland” Somalidana: “Waxaan ka imid Sooomaaliya?”
Jaraaidada iyo idaacadaha Norway ee VG iyo Nrk ayaa soo qoray in xildhibaanada somalidu dooratay ay ka kala yimaadeen Somaliya iyo Somaliland. Jaraaidyada aya ka soo xigtay war uu sheegay mid ka mid ah hogaamiyaasha xisbiga shaqaalaha oo lagu magacaabo Runa Gerharsen. Runa ayaa sheegay in xildhibaanada Somaliyeed ay ka kala yimaadeen Soomaaliya iyo Somaliland. Arinkaan ayaa fajac waxuu ku noqday Somali dooratay sadexda xildhibaan waayo waxay codkooda u siiyeen Somalida inay yihiin Somali ka timid Soomaaliya, halka kuwo kalena codkooda u dhiibeen iyaga oo ogaa in qaar ka mid ah ay ka yimaadeen Somaliland. Intersom ayaa waxaa hadaba la soo xiriiray Somali codkooda siiyay Bashi iyo Fadumo oo iswaydiinaya: “Tolow waa kuma labadooda qofka anaga nagu oranaya: “Somaliya ayaan ka imid, Norwejigana ku oronayaya Somaliland ayaan ka imid.”Intersom ayaa email ay ku waydiinso in dadwaynaha u cadeeyaan halka ay ka yimaadeen ayaa sadexdooda midna soo jawaabin, laakiin talefoon lagu helay Ubax Cabdulqadir oo kaliya, iyada oo tiri: “Waligeey ma dhihin aniga Somaliland ayaan ka imid. In Somali la kala googooyo oo la kala qub qubana ma aaminsani. Soomaali waa ii Soomaali”



Discussion
No comments yet.